Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo loogu deeqay Gaadiid.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay inay 12 Gaadiidka adkeysiga u leh isticmaalka Waddooyinka Rafka ugu deeqeen Guutadda 3-aad ee Ciiddanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency waxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga sheegtay in Deeqdaasi qeyb ka tahay Heshiisyada Iskaashiga Milliteri iyo Dhaqaale ee ay labada Dowladood horey u kala saxiixdeen.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka XDS, Jeneral Odawaa’ Yuusuf Raage ayaa lagu wareejiyey Gaadiidkaasi loogu talagalay Guutada 3-aad ee Ciiddanka Dhulka ee Gorgor.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horeysay oo ay Dowladda Turkiga taageero noocaasi ah u fidiyaan Ciiddanka DFS, waxayna labada Dowladood leeyihiin Xiriir aad u dhow oo ay dhinacyo badan iska kaashadaan.

Xigasho: Anadolu News Agency