Ciidamada Danab oo u xoog sheegatay Al-Shabaab kana saartay Deegaanka Daarasalaam ee Gobolka Sh/Hoose..

Ciidamada Dowladda ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Daarusalaam oo hoostega degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hose sida uu sheegay taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dhowr jiho ay ka maqleen dagaalka, isla markaana markii dambe u suurtagashay Ciidanka in ay la wareegaan deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan howlgal miino baaris ah, Saraakiisha Ciidamada ayaa la filayaa in faah faahin ay ka bixiyaan howlgalka dhacay.

Dhanka kale Al Shabaab dhankooda kama hadlin dagaalka hadii Khasaaro ka soo gaaray iyo hadiii kala mana cada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo dadka deegaanku sheegeen in uu in mudaa ka socday gudaha iyo banaanka magaaladda Daarusalaam.