Tahriibayaashii ugu faraha badnaa oo ay Soomaali ku jirto oo gaaray dalka Britain.

In ka badan 5,000 oo Muhaajiriinta ku tahriibtay Doonyaha ayaa gaaray dalka Ingiriiska tan iyo bilowgii sanadkan ee 2020-ka.

Wakaalladda Wararka ee the Press Association ee ka hawlgasha Britain iyo Ireland ayaa shaacisay inay tirada Muhaajiriinta sida sharci-darrada Doonyaha ugu soo galay Britain ay sii kordheen, taasi oo ay Dowladda Britain ku khasabtay inay Diyaaradaha Dagaalka u diraan Kanaalka lagu magacaabo The English Channel.

Diyaaradaha Ciiddanka Boqortooyada Britain ee RAF waxay taageero siin doonaan Ciiddanka Xuduudaha ee Britain, si looga hortago qulqulka Muhaajiriinta doonyaha nooca Cinjirka kaga soo shiraacda Faransiiska, si ay ugu soo gudbaan Gacan-biyoodka Britain ee The English Channel.

Ciiddanka Xuduudaha ee Britain waxay sheegeen inay maalmihii la soo dhaafay gacanta ku dhigeen Muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Yemen, Masar, Libiya, Iraq, Iran, Syria, Kuwait, Turkish, Gini, Mali, Nigeria, Chad, Togo, Pakistan, Tajakistan, Vietnam, Albania iyo Shiinaha.

Warbixin la daabacay bishii hore waxaa laga digay inay sii kordhi doonaan Muhaajiriinta Doonyaha ee sida sharci-darada ku soo gala dalka Britain, waxaana laga yaabaa inay Tiradoodu gaarto ku-dhawaad 7,600 oo Muhaajiriin ah marka la gaaro Ciidda Masiixiga ee dabayaaqada sanadkan 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Muhaajiriinta Magangelyo-doonka ee dalka Britain soo galay sanadkii hore ee 2019-kii waxay tiradooda guud ahayd 1,890 qof, halka ay 8-dii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2020-ka ay tiradooda saddex jibaar noqotay.