Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay inuu Shir isugu yeero Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Beesha Caalamka ee taageerada siisa Soomaaliya ayaa waxay dadaal u galeen sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Magaalada Dhuusamareeb ee Go’aanka looga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Kulankii dhawaan ku dhex-maray Garoonka Muqdisho Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle & Safiirka Mareykanka ee Muqdisho Amb, Donald Yamamota ayaa lagu soo hadal qaaday in la qanciyo labada Madaxweyne ee Puntland & Jubbaland si heshiiska shirkii Dhuusamareeb 3 uu u noqda mid dhameystiran oo dhaqan gala.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu aqbalay in shir uu ugu yeero Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, si looga qanciyo labada Madaxweyne tabashada ay ka qabaan qodobadii ka soo baxay heshiiskii Dhuusamareeb,kadib wada-hadallo hoose oo dhex-maray Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

kulanka ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ka hor ayaa waxaa Magaalada Garoowe kulan gaar ah ku yeelan doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland si ay uga wada hadlaan ajandayaasha ay la tagayaan shirkaasi.

Dhanka kale labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay, Guddoonka Golaha Wakiilada, Golihiisa Wasiirada, Ururada Bulshada rayidka iyo Xisbiyada Puntland, isaga oo kala tashanayay arrimo la xiriira ka qeyb-galka shirka uu ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo iyo waxyaabaha ay la tegi doonaan.