Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Garoowe+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Guddoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan.

Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu kulamo lagaga hadlayo Xaalada Dalka, gaar ahan dhanka siyaasadda, Amniga iyo horumarka uu la yeelan doona Mas’uuliyiinta Puntland.