Doorashadda soo socoto ee 2021, gobolka Banaadir kuma yeelan doono Senataro Aqalka Sare ah


Doorashadda soo socoto ee 2021, gobolka Banaadir kuma yeelan doono Senataro Aqalka Sare ah, sababtu waxey tahay maqaamka magaalada Muqdisho (city status) weli laguma heshiin. Senataro waxaa yeelan kara keliya dowlad goboleed.

Muqdisho waa in Baarlamaanka Soomaaliya caddeeyaa maqaamka ay yeelan doonto. Ma maamul goboleed ayey noqonaysaa oo Baarlamaan iyo Madaxweyne leh, mise caasimadda Soomaaliya, mise caasimadda qaranka iyo dowlad goboleed wadajira?.

Iyadoo arrimahaas lagu heshiin oo Baarlamaanka sharci ka soo saarin gobolka Banaadir ma yeelan karo Senataro Aqalka Sare gobolka ku matela.

Dastuurka qabyadda ah ee Dowladda Federaalka wuxuu qorayaa in xubnaha Aqalka sare tiradoodu tahay 54 senataro oo ka imaanaya 18 gobol ee Soomaaliya. Haddii 13 Senataro loogu darayo gobolka Banaadir waa in Dastuurka wax laga bedelaa oo tiradda Senatarada ee 54 laga dhigaa 67. Wax ka bedelka Dastuurkuna ma fududa.

Gobolka Banaadir howshiisu waxaa dhameystiri doona sida aan filayo Dowladda cusub ee iman doonta 2021 kadib, haddii Illaah idmo.

Maqaamka Muqdisho oo Baarlamaanka meel saarin oo la qeexin gobolka Banaadir ma yeelan karo Senetaro. Madaxweyne Formaajo ma saxiixi karo soo jeedin Baarlamaan ee 13 Senataro, maxaa yeeley Dastuurka waafaqsana.

Ilyas Mohamud Hussein