Bayern Munich oo Noqotay Boqorada Yurub, Markii Lixaadna ku guulaystay Champions League.

Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Paris Saint-Germain kulankii finalka ee xiisaha badnaa ee ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Ciyaar la isku rafaaday ayaa waxaa go’aamiyay gool uu qeybtii labaad Bayern Munich u saxiixay Coman iyadoo Bayern Munich ay barbareysay rikoodha koobabka Champions League ee Liverpool oo ay min lix jeer wada qaadeen, halka AC Milan ay 7 jeer ku guuleysatay halka Real Madrid ay rikoodhka ku heyso 13 koob.

Bayern Munich ayaa qaaday koobka Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2013 oo ay ka qaadeen kooxda ay Bundesliga ka wada ciyaaraan ee Borussia Dortmund.

Qaybtii hore ee kulanka finalka UEFA Champions League ayaa ahaa mid xiiso badan laakiin ay labada kooxood khasaariyeen fursado cadaan ah oo ay goolal iskaga dhalin kareen.

PSG ayaa markiiba noqotay kooxda laga filan karayay goolal kadib markii ay culays wayn saartay difaaca Bayern Munich oo u muuqday kuwo argagax ka qaaday Mbappe, Neymar Jr iyo Di Maria laakiin xaalado la yaableh oo ay PSG abuurtay waxaa goolal u diiday Manuel Neuer.

Hadaba waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Bayern Munich ku dardartay PSG islamarkaana ku xaqiijisatay hanashada koobka Champions League oo ay markii lixaad ku guuleysteen.