Markabkii Ganacsiga ee la sheegay inay afduubteen Burcad badeedka oo ku soo wajahan Dekedda Muqdisho.

Tan iyo Khamiistii la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku aadan Xaalladda Markab Ganacsi oo ku soo wajahnaa Dekedda magaalladda Muqdisho.

Warar horey u soo baxay waxay sheegayeen inay Koox Burcad-baddeed ah ay Markabkaasi ka qafaasheen meel ku dhow Xeebaha W/bari ee Somalia, balse, waxaa markii dambe la sheegay inay Markabka cilladi ku qabsatay Badweynta.

Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia ee Atalanta waxay shalay soo saareen War-saxaafadeed ay ku xaqiijiyeen inaan Markabkaasi la afduubanin, balse ay Cillad qabsatay, haatan uu ku soo wajahan yahay Dekedda Muqdisho.

Qoraalka waxay ku sheegeen in Markabkaasi Booyadlaha ah ee  lagu magacaabo MT “The Aegean 2” oo Calanka dalka Panama ku safrayey uu la kulmay Shil dhanka Ammaanka, iyadoo ay Ciiddan ka tirsan kuwa Puntland gudaha u galeen Markabka si ay baaritaano ugu sameeyeen.

Hawlgalka Ciiddanka Badda EU-da ee Atalanta waxay sheegeen inay soo gebagebeeyeen Dabagalkii ay ku hayeen Markabka la sheegay in lagu afduubtay Xeebaha Somalia, iyagoo taageero ka helaya Diyaarad Helikopter oo ay leeyihiin Ciiddanka Japan ee qeybta ka ah Hawlgalka Ciiddanka Badda ee CMF.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Ciiddanka Xarunta Hawlgalladda Wadajirka ee Ciiddanka Badda EU NAVFOR ay bishan Agost 18-dii ka war heleen Dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn ee Markabkaasi oo Taranist ahaan kaga  soo shiraacday Dekedda magaalladda Shaariqah ee dalka Imaaradka Carabta, kuna soo wajahnaa Dekedda magaalladda Muqdisho.

Markabka MT “The Aegean 2”oo ay la socdeen Ilaalo hubeysan waxaa lala sameeyey xiriir, balse, bishan 20-dii ayey soo baxeen in Markabka la qafaashay.

Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee  EU NAVFOR Somalia waxay sheegeen inay Labo Markab Dagaalka u direen si ay u soo qiimeeyaan Wacaalka Markabkaasi,iyagoo soo xaqiijiyey inuu Markabka cillad kala kulmay Mowjadaha Badda.

Taliyaha Ciiddanka Caalamiga, RDAM Villanueva waxa uu la xiriiray Maamulka Dekedda Bosaaso, kuwaasi oo u sheegay inaan Markabka la afduubanin, isla markaana ay Ciiddan Bolis u direen, si ay Markabka u baaraan inta uu ka sugayey Kaalmo Farsamo.

Markabka Ganacsi ee MT “The Aegean 2”waxaa la sheegay inuu haatan ku soo wajahan yahay Dekedda Muqdisho, wuxuuna wadaa shixnad ay Ganacsato leeyihiin.

Tan iyo sanadkii 2011-kii, Kooxaha Burcad-baddeeda waxay qaadeen 237 weerar meel ka baxsan Xeebaha Somalia, iyagoo boqolaal Badmaaxiin afduub u qabsaday, iyadoo Hawlgalkii ugu dambeeyey ee ay Burcad-baddeeda ku guuleystaan inay Markab ka qafaashaan Xeebaha Somalia uu dhacay sanadkii 2017-kii.

Xigasho: eunavfor.eu & REUTERS