Madxweyne Deni oo Kulan Degdeg ah la yeeshay Xildhibaanadda Aqalka Wakiilladda Puntland.

Saciid C/llaahi Deni Madaxweynaha DG Puntland wuxuu xalay Kulan La-tashi oo Khaas ah la yeeshay Guddoonka Sare iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiilladda ee Maamulkiisa.

Kulankaasi waxaa la sheegay inuu ahaa mid uu Madaxweynuhu Xogwareysi iyo La-tashi ah, waxayna Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladda Puntland isla soo qaadeen Xaaladihii ugu dambeeyey ee Siyaasadda Dalka, Aragtida Puntland ee Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo Arrimaha Doorashooyinka Federalka ee 2020/2021.

Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland, Jaamac Deperani oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook, wuxuu ku faahfaahiyey Arrimaha Kulanka Madaxweyne Saciid Deni la yeeshay Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Aqalka Wakiilladda Puntland.

Qoraalka Afhayeenka uu Bartiisa ku soo daabacay Waa kan:

“Madaxweyne Deni wuxuu caawa kulan xogwareysi iyo la tashi ah la yeeshay Guddoonka Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Garoowe ku sugan.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiilada , waxaa uu ku saabsana wadatashi laga yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/21 iyo aragtida Dowladda Puntland.”