Madasha Xisbiyadda Qaran “Hannaankii loo qaaday Shirkii Dhuusamareeb 3 waa mid horseedi kara Qabsoomida Doorashooyinka iyo…”

War-qoraal ah oo ay MXQ soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen Qoddobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3, iyagoo sheegay in Hannaankii loo qaaday Shirkaasi yahay mid horseedi kara Qabsoomida Doorashooyinka iyo Xal-u-helida Heshiis wada-oggol ah oo ay u dhan yihiin dhamaan Saamileyda Siyaasadda dalka.

MXQ waxay sheegeen inay dhawaan soo saari doonaan War ku aadan Mowqifkooda Rasmiga iyo Talooyinka kaabi kara Qoddobadda bishan 21-dii laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3, ee ay wada saxiixeen Madaxweynaha DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo KGS iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir.

Qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran waxay kaloo ka digeen Maqnaanshaha Dowlad-gobaleedyada Puntland iyo Jubbalanka ee Shirkii Dhuusamareeb 3, waxayna hoosta ka xariiqeen inuu Maqnaanshahooda wax u dhimi karo Hannaanka Doorasho iyo in la wada gaaro Go’aan Wada-oggol ah oo ku aadan Nidaamka Doorashooyinka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ):