Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed iyo sii hayaha xilka Wasiirka gargaarka oo kormeer ku tagay Afgooye+Sawirro

Afgooye:-Guddoomoyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane, Cali Saciid Fiqi, sii hayaha xilka Wasiirka Gargaarka Dowladda Federaalka Soomaaliya mudan, Xamza Saciid Xamza iyo Goddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kormeer ku tagay xaafadaha uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee Degmada Afgooye.

Wafdiga ayaa  indha-indheyn ku sameeyay Isbitaaalka Degmada Afgooye oo iminka shaqeynaya iyo Buundada, waxanay sidoo kale kormeereen qaar ka md ah xaafadihii ay Biyaha saameeyeen.