Dhaartii SYL ” the Oath of SYL” =Faallo=

Urur ama Xisbi kasta hab dhaqankiisa, waxaa saameeyn ku leh, Xaaladda waqtigaa ka jirto Deegaanka uu ku sugan yahay iyo Mabaadi’da uu aaminsanyahay.
SYL waqtigeedii waxaa muhim u ahaa Labo arrin.
A). wacyigalinya iyo Mideeynta Ummadda Somaaliyeed meel kasta oo ey joogto.
B) . Halgan Xuriyad lagu gaarayo.
Qof kasta oo xubin ka noqonayo SYL, waxa uu ku dhaaranayay waqtigaa 5 taan Qodob ee hoos ku qoran, ( F.S: 1, 2 & 3aad).
1.Waxaan ku Dhaaranayaa Magaca Allaha Awooda badan in aanan qaadin Ficil Lid ku ah Qof Somali ah.
2. Xaaladda Dhibaatada, waxaan ballan qaadayaa in aan caawiyo Shakhsi kasta oo Somali ah.
3. Waxaan Walaaleysanyaa, dhamaan Xubnaha kale ee Ururka SYL.
4. Ma muujin doono Qabiilkeeyga.
5.Dhinaca Guurka, ma kala takoori doono Qabiilada Somalida, Sida: Midgaan, Yibir, Yaxar iyo Tumaal.
Haddaba Akhristoow, waqtigaan Dalka waxaa ka jiro Axsaab fara badan oo badankoodu yahay Xisbiyo Qof leeyahay. Anigu midkoodna xubin kama ihi. waxaan jeclaan lahaa in aad ii sheegto :
1.Maxeey ku dhaartaan Xubnaha ku biirayo, Axsaabta hadda ka jirto Dalka .
2. Maxeey Dhaartoodu uga Duwan tahay Dhaartii Xubin ka noqoshada SYl.
3. Mise maba dhaartaan.
Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir