Dab Khasaaro ka gaystay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Gaalkacyo:- Dab dhaliyey Khasaare kala duwan gaystay ayaa ka kacay degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare dabkaasi ka dhasay.

Dabka ayaa ka kacay Kaalin shidaal oo deegaankaas ku taallay, waxaana dhawaacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah, inta la xaqjjiyay in 9 ruux ayaa dhawacyo ka soo gaaray dabkaasi.

Gurmad iyo dadaalo ay sameeyeen maamulka Magaalada iyo dadka degaanka, ayaa keenay in lagu guulaysto in la damiyo, inkastoo uu jiro khasaare soo gaaray haniti ay lahaayeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.