Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Xero Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Ceelasha Biyaha.

Xaafadda Arbacow Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay weerar ku bilawday hoobiyaal lagu tuuray Saldhig Askarta Midowga Afrika ay ku leeyihiin Xaafadaas.

Waxaa xigtay rasaas toos ah oo ay is weerarsanayeen Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee AMISOM iyo raggii weerarka ku qaaday oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka ayaa guryahooda ku sugnaa, waxaana xiliga uu weerarka dhacayay yaraa isu socodka, maadaama xiliyada habeenkii wixii ka dambeeya salaadda Cishe uu yar yahay dhaq-dhaqaaqa dadka u dhaw Xeryaha Ciidamada.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo gurmad ahaan ugu tagay Askarta AMISOM waxay bilaabeen howlgalo ay ku raadinayaan haddii ay jiraan dad waxyeelo ku noqotay rasaasta ay isku ridayeen dhinacyada dagaalamay.

Sidoo kale, waxay baaris ku bilaabeen xaafadaha u dhaw Arbacow si ay u baadi-goobaan dadka ay ku tuhmayaan in ay ka tirsan yihiin ama xiriir ay la leeyihiin Al-Shabaab oo ay u tiirinayaan mas’uuliyadda weerarka.

Dhanka kale lama soo sheegin waxyeelo gaartay dadka rayidka ah ee u dhaw goobta dagaalka uu ka dhacay, halka dhinacyada dagaalamay aysan soo bandhigin khasaaraha dhankooda gaaray, maadaama xiligii iska hor imaadka uu dhacayay dadka ay ku sugnaayeen guryahooda.