Xaqiiqda yaan la dafirin, Yaa Madaxweyne ah!!!=Faallo=

Madaxweyne: waa Qof xakumo Dhul iyo Dad lehna Maamul iyo Sharci xiriiriya oo lagu dhaqmo, leh Ciidan, Callan u gaar ah, xuduud, Gole Baarlamaan , caasimad, iyo astaama kale.
Yaan Madaweyne ah?
1-Jamhuriyadda Federaalka ee Somaliya -“Villa Land”: leh Madaxeyne, Baarlamaaku doortay, Dhul yar, ugu magac weeyn, leh ciidan , Caasimadda la wadaagto Banadir Land, ugu badan baraha kontorol, aan heeysan kalsooni badan, aan xakumin inta badan Dalka, ku tiirsan ciidan shisheeye.
2- Somaliland Land: leh Madaxweyne la doortay, Caasimad , Calan, Dastuur, xiriir ka madaxbanaan 9-ka kale. Laba Gole, leh Ciidan u gaar ah, Dekad leh, kuma tiirsano Ciidan Shisheeye.
3-Xalane Land: leh Madaxweyne la soo magacaabay, ugu Dhul yar, ugu ciidan badan, ugu dhaqaale badan, ugu ogaal yar xaqiiqda Somaliya, ku hadasho Luqad ka duwan 9-ka kale, Dalka iyo Caasimadoodu waa hal xaafad, ma leh dekad.
4-Hirshabeele Land: leh Madaxweyne, Dowlad dibad ku nool ah, waa Doowlad loo sameeyay Dadka oo eynan iyagu sameeysan, Magaalo lagu wareegsan yahay, ma leh dekad, ma leh ciidan u gaar ah, Baarlamaan Magac ah, Degan Caasimad ku meel gaar ah, ku tiirsan ciidan shisheeye, ma wada xakuntu Deegaankeeda.
5-K/Galbeed Land: leh Madaxweyne, Calan, Dastuur, Dowlad xoog loogu sameeyay Dadka, degan Caasimad ku meel gaar ah, ku tiirsan ciidamo shisheeye, Magaalo lagu wareegsan yahay, ma leh dekad, leh ciidan u gaar ah, ku tiirsan ciidan shisheeye, ma wada xakuntu deegaankeeda.
6- Galmudug Land: leh Madaxweyne, Calan, Dastuur, Caasimad, Dowlad xoog loogu sameeyay Dadka, ma leh dekad, Baarlamaan Magac u yaal ah, ma wada xakuntu deegaankeeda, leh Ciidan u gaar ah.
7-Jubaland Land: leh Madaxweyne, Dowlad Dadku eyna dooran, loomana magacaabin, Madaxdu iyadaa is magacaawday. Awood inta badan ku kooban Magaalada iyo hareeraheeda, Dekad leh, ku tiirsan ciidan shisheeye, ma wada xakuntu Deegaankeeda.
8- Puntland Land: leh Madaxweyne, Baarlamaanku doortay, dowlad, Calan, Caasimad , dhul weyn, Dekad leh. Male ciidan shisheeye , Deegaanada qaar ma xakunto.
9- Banaadir Land: leh Madaxweyne la magacaabay, Calan, Caasimad, Dastuur ma leh, hoos tagto maamul kale, dekad leh, ku tiirsan ciidan shisheeye, male Baarlamaan, Deegaankeeda ma wada xakunto.
10-Al- shabaab Al -Mujaahidiin Land: leh Madaxweyne ey dhaxdooda ka doorteen, Dhul , Calan, deegaan ballaaran, Dastuur ka duwan inta kale, Gole Baaarlamaan, laakin Caasimad iyo xuduud xadidan ma leh, Ciidanka ugu amar qaadashada badan, ugu xog helis badan, wakiilo ku dhax leh 9-ka kale.
Runtii:
Haddii aan Runta isku sheegno, Ma jiro Madaxweyne kaligii wada xakumo Somaliya oo dhan oo Amarkiisu ka wada Soconayo, ama hal Dowlad oo Dalka oo dhan uu wada hoos tago. Hal Baarlamaan oo wada matalo, hal caasimad oo ka wada dhexeeyso oo magac dhaafsiisan. Ma jirto koox kaligeed inta kale wax u go’aamin karo, waxaa sii dheer Madaxweyna yaal kale oo jidka ku soo jiro sida: Shabeelaha sare, khaatumo, Madasha iyo kuwa kale.
Walaalayaaloow, aan Runta isku sheegno, Allana ka cabsano, Sidaan Dowlad lagu noqon maayo, Cadawgeena ayaa ka faa’iidayo kala furfurkaa, kooxina kaligeed Qaran ma ahan, Dowladna ma dhisi karto, Calamadeena aan mideeyno( F.S: 9 keena calan), midina gooni uma jiri karo, aan ku midoowno Diinta islaamka iyo Somalinimo.
FG: wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar, Arragtidaadu waa mihim.
Qore: Yahya Amir