Sevilla oo si la yaab leh ugu Guulaystay Koobka Europa League, kadib markii ay ka adkaatay Inter Milan.

Kooxda Sevilla ayaa si la yaab leh ugu guulaystay koobka ay taariikhda khaaska ah ku leeyihiin ee Europa League kadib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaadhay Inter Milan oo gool ku hor martay.

Sevilla oo hore taariikh cusub ugu haysatay kooxdii ugu horaysay ee saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah koobka Europa League ku guulaysatay ayaa markale sii dheeraysatay rekoodhka koobkan ee ay haysato.

Sevilla ayaa markii lixaad ku guulaysatay koobka Europa League waana kooxda kaliya ee tiro sidan u badan koobkan ku soo guulaysatay waxayna murugo baday kooxda Antonio Conte ee Inter Milan.

Labada kooxood ayaa sidoo kale abuuray fursad ay goolal kaga ku dhalin kareen laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 2-2 ah.

Qaybtii labaad markii la iskugu soo laabtay ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad badan laakiin fursad qasaarin waali ah oo ay sameeyeen Lukaku iyo Ashley Young ayaa Sevilla ciyaarta ku sii haysay.

Daqiiqadii 65 aad Lukaku ayaa kubbad kula soo baxay Sevilla laakiin waxa uu ku fashilmay in uu gool ku dhaliyo fursad cadaan ah waxaana badbaadin layaableh sameeyay goolhayaha Sevilla ee Bounou.

Antonio Conte ayaa ciyaarta soo galiyay Victor Moses iyo Alexis Sanchez si uu weerarkiisa u soo xoojiyo wuxuuna saaray Martinez iyo D’Ambrosio.

Dhamaadkii ciyaarta Inter Milan ayaa bilawday inay wax walba u samayso sidii ay goolka barbaraha u keensan lahayd laakiin daqiiqadii 91 aad goolhayaha Sevilla ayaa badbaadin kale oo cajiib ah ka sameeyay Candreva oo Inter barbaraha u keeni gaadhay.