Qof go’ay iyo roob galbeed haduu galbado midkoodna gadaal u uma soo noqdee.(Q.2-aad)

Qaybtii 2aad: Xasan Sheekh Maxamuud.”Sida aan ugu lisnay nooguma hambeen.”
MW Xasan Sheekh Maxamuud, doorashadii 2012, waxaan ka mid ahaa aqoonyahankii aad ugu ololaynaye in uu ku gulaysto Hogaanka Dalka, waxaan markaasi u arkaayay muwaadankii ku haboonaa in uu MW Dalka noqdo, aqoon iyo karti u leh Qaranka iyo sida uu ugu hor’umar u gaarsiin lahaa.
Waxaan Xasan u arkaayay Ilbax, reer Magaal, nin dabeecad fiican, qofkasto xiriir wanaagsan la yeelan karo, nin aqoon leh, dhaqanka iyo dabeecada soomaaliyeedna si fiican u yaqaan.
Ninka Mas’uul sare ka noqdo DALKA waa suuro gal in ay waxyaalo ka qaldami karaan, siiba Dal uu markaas soo maray dagaalo, burbur iyo colaad u baahan shaqa culus.
Dhinacyo badan ayuu Dalka ka hagaajiyay oo midda ugu muhiimsan oo maanta lagu amaanayo waa arinta Badda ee dodeeda u dhexaysay Soomaaliya iyo Kenya.
Haseyeshee waxaan ku dhaliilay kalana fogaaday taageeradayda sida uu u mareeyay arimaha Magaalada Mugdisho iyo qaab dhismeedka Maamul-Goboleedyada, middaasi uu ku fogaaday in uu ku tunto xuquuqda dadka deegaanka, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay shaqsiyaad aan aqoon iyo kibrad u lahayn in ay maamulaan magaalo weyn Caasimad ah sida Muqdisho mushaakilaad badan, dadka degaanka u ka dhigay sida 2da Kureeya oo kala fogeeyay dad ehel iyo qaraabo isu ah, Shabelaada Hoose uu raaciyay KG Shabeelada Dhexena ku kabay Beledweyne oo noqotay Hirshabeele.
Ummad dhan uu siyaasad ahaan u bahdilay,aan maanta haysan Maamul-goboleed ay ka taliyaan, kana maqanyihiin miiska looga doodayo arimaha xasaasiga ee Qaranka.
Haddaana wax laga badalina ay cod ku lahaan doonin.
Middaas oo maanta sabab u noqotay in umad dhan, lahayd degaankii ugu qaaliga badna, ugu muhiimsaneed siyaasad ahaan, dhaqaala ahaan, uguna qiimo badnaa sharaf iyo mamuus ahaan ay maanta daawadayaal ka yihiin oo aan cod iyo kursi ku lahayn arrimaha ugu muhiimsan uguna xasaasisan ee dalka ka jira.
Middaas oo maanta sabab u noqotay in Beelweyntaas ahayd midda ugu muhiimsan Beelaha kale ee Soomaaliyeed, midda ka mas’uulka ahayd jiritaanka iyo midnimada Qaramka Soomaaliyeed, maantana banaanka ka taagan.
Xasan Shekh Degaaka la dhihi jiray ex Banaadir godobta uu ka galay waa mid aan la qaadan karin, waa mid aan la aqbali karin.
Canshuurtii shacabka degaanka laga qaadayay ayuu geliyay Gobolo kale iyo shaqsiyaad siyaasad ahaan markaas u dhow, iska daa in uu fududeeyo dhismaha Gobolka Banaadir, dhinac kasto ayuu ka hor istaagay.
Xasan Sheekh dadka iyo degaanada ex Banaadir waxaa ugu muhiimsanaa isla markaana u adeegsaday danahiisa gaarka ee siyaasadeed, 2da Shabeele uu kala raaciyay KG iyo Hiraan waxay ka turjmayaan dano isaga u gaar ah oo xiriir la lahaa Doorashadiisa labaad 2016 – 17.
Haddii maanta saboolnimada iyo hor’umar la’aanta iyo nolol xumada ka jirto degaanada mar laysku dhihi jiray Banaadir, MW Xasan ayaa leh mas’uuliyada1aad.
Haddii maanta degaanadasi ay dib ugu dhaceen degaanada kale ee Soomaaliya
Xasan Sheekh ayaa leh mas’uuliyada 1aad.
Haddii maanta degaanadasi ay ka jirin iskulaad, isbitaalo, dhismooyin loogu adeego bulshada, hor’umar la’aan beeraha, kan kaluumaysiga, haddii gebi ahaan ay dayacsan yihiin wax kastoo nolosha ku xiran, Xasan Sheekh ayaa mas’uul u ah, shaqa la’aanta maanta haysato dhalinyarada iyo dib u dhaca ku yimid noloshooda, haddii maanta shaqooyinka ay ka heli lahaayeen Gobolkooda iyo degaanadooda ay maanta dhalinyar Gobolada kale ka yimid loogu wada qaybiyay.
4ta sano uu MW Xasan Sheekh hoggaanka Dalka soo haayay Dad iyo Degaan ahaanba sida aan ugu lisnay nooguma hambeen.
Qaybta 3aad: Gunaanad.
Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.