Madaxweynaha oo loogu baaqay magacaabista RW iyo inay Saamileyda qeyb ka noqdaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu Baaqaasi ku sheegay Qoraal uu ku muujiyey Aragtida Xisbigiisa ee Qabsoomida Doorasho la wada oggol yahay iyo Turxaan-bixinta Qoddobadii laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3 ee shalay la soo gebagebeeyey.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in loo baahan yahay inay Saamileyda Siyaasadda ka wada tashadaan Doorasho xilligeed ku dhacda, lana wada oggol yahay.

C/raxmaan C/Shakuur oo ah Siyaasi Mucaarad, horeyna xil Wasiir u soo qabtay waxa uu qoraalkiisa ku muujiyey in Labada Dowlad-gobaleed ee Puntland iyoJubbaland iyo Saamileyda Siyaasadda looga maarmin Fulinta & Meel-marinta Heshiiska Dhuusamareeb 3.

Waxa uu Aragtidiisa ku soo bandhigay 3 Qoddob oo uu ka mid yahay: In Wada-hadal lala galo Labada Dowlad-gobaleed iyo Saamileyda aan qeybta ka ahayn Heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka CC Warsame:-