Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo go’aan ka qaatay Shirkii Dhuusamareeb (3), soona wada saaray Warmurtiyeed.

Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo Madaxdooda aysan qayb ka ahayn Shirkii Dhuusamareeb (3) waxay diideen inay taageero u muujiyaan 17-ka qodob ee laga soo saaray Shirkaas oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha DFS, Madaxda DG Galmudug, Hir-Shabeelle, KGS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdsiho.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay labadaan maamul Goboleed oo laga sugayay jawaabta ay ka bixin doonaan heshiiskaan iyo khudbadihii munaasabadda lagu soo xiray Shirkaaan oo Madaxda saxiixday ku sheegeen in go’aamada ay qaateen ay ku gowracan yihiin Puntland iyo Jubbaland ayay gaashaanka ku dhufteen in ay taageeraan.

Ka sheekeenta marxaladii loo soo maray Shirarkii Dhuusamareeb 1,2, iyo go’aan ku gaarista ballaminta fadhigii Dhuusamareeb (3) oo ay isku ogaayeen DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayay sheegeen Jubbaland iyo Puntland in la fashiliyay.

Go’aanka Puntland iyo Jubbaland waxay ku soo koobeen 4-qodob oo kala ah:

1-Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay iyaga oo ixtiraamaya aragtida ka qaybgalayaasha, caddeynayaan in qodobada qoraalka ka soo baxay Shirka Dhuusamareeb 19-kii agoosto 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban madaxdii ka qaybgashay shirka oo ahaa Madaxweynaha JFS, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

2-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxay caddeynayaan in aysan qayb ka ahayn, laguna matalin shirka ka dhacay Dhuusamareeb.

3-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxay mar kasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay oo lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/21, iyada oo noqota mid waqtigeeda ku dhacda, si isla ogol ahna looga heshiiyo hannaanka loo marayo qabsoomidda farsamo iyo maamul ee doorasho.

4-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxay beesha Caalamka uga mahad celinayaan taageerada ay sida joogtada ah ula garabtaagan yihiin dadaalada geedi socodka iyo dib u dhiska hay’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah si loo helo xasilooni siyaasadeed, amni, Dowladnimo wanaagsan iyo horumar dhaqaale.

Hoos ka aqriso Warmurtiyeedka ay soo wada saareen:-

Image may contain: text

Image may contain: text