FAA’DOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO SALIIDA SEYTUUNKA ( OLIVE OIL ).

Seytuunka waxa uu ka mid yahay geedaha yaryar sidoo kale waxa uu ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Oleaceae, Seytuunka waxaa la beeran jiray 6 KUN sano kahor waxuuna asal ahaan kasoo jeedaa Bariga Bada Mediterranean-ka.

Saliida laga miiro miraha Seytuunka ayey daawo ahaan u isticmaali jireen Giriigii hore , Saliida Seytuunka magaceeda seyniseed waa Olea europaea, dalka Hindiya waxaa looga yaqaan Jaitun Ka Tel, dalalka Afrikada Bari ee ku hadla Afka Sawaaxiliga waxaa looga yaqaan Mafuta , cadaanka kunool South Africa ee loo yaqaan Afrikans waxa ay u yaqaanaan Okyf Olie, dalalka carabtana waxaa looga yaqaan Zayt Al zaytun.

FAA’IID CAAFIMAAD EE LAGA HELO SALIIDA SEYTUUNKA WAXAA KA MID AH :

• Saliida Seytuunka waxa ay caawisaa kahor taga cudurka SOKORTA ( Blood Sugar).

• Saliida Seytuunka waxaa ku jira Antioxidant lagu magacaabo POLYPHENOIS kaas oo kahor taga in unugyada WADNADAHA dhaawac maan.

• Saliida Seytuunka waxa ay ilaalisaa heerka CHOLESTEROL-ka jirka .

• Saliida Seytuunka waxa ay kahor tagtaa cudurka NEEFTA.

• Saliida Seytuunka waxa ay caawisaa kahor taga cudurka STROKE ( DHINAC QALALKA ).

• Saliida Seytuunka waxa ay caawisaa saarista dhegxaanta KELYAHA.

• Saliida Seytuunka waxa ay kahor tagtaa cudurka Alzheimer’s-ka.

• Saliida Seytuunka waxa ay adkeysaa LAFAHA.

• Saliida Seytuunka waxa ay hagaajisaa Caafimaadka MAQAARKA..

• Saliisa Seytuunka waxa ay ilaalisaa Caafimaadka TIMAHA.

• Saliida Seytuunka waxa ay hagaajisaa Caafimaadka CIDIYAHA.

FIIRO GAARO AH : anaga miraha lagu magacaabo GUAVA ayaan u naqaanaa SEYTUUN.

By. Muse Mohamed Osman.
E- Mail : Muusekiimiko@gmail.comI