Dhowr Hoobiyaal ah oo xalay lagu tuuray Xero Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa xalay weerar loo adeegsaday Hoobiyaal lagu qaaday Xero Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag oo kamid ah Xaafadaha Magaaladaas.

Dadka Magaalada Baladweyne ayaa sheegeen inay maqleen dhowr jug oo ku dhacaysay agagaarka Saldhigga, waxaana la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamada Xeradaas ku sugan.

Ciidamada ayaa bannaanka uga soo baxay Xerada, iyaga oo watay gaadiidka dagaalka si ay u tagaan meelaha ay ku tuhmayaan in laga soo tuurayay Hoobiyaasha lagu tuuray saldhiggooda Xaafadda Howlwadaag.

Lama soo sheegin waxyeelo ka dhalatay Madaafiicda, waxaana howlgalo baaris ah ku dhaqaaqay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Askarta Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale lagu weeraray hoobiyaal Xeryo Magaalada Baladweyne ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federalka iy kuwa Midowga Afrika oo isugu jiro Askarta Jabuuti iyo kuwa Itoobiya.