24.8 C
Mogadishu
Tuesday, August 3, 2021
Home faallo Ugaasyada Somalida ka waran, Dadkooda intii la duleeysan lahaa iyaga in la...

Ugaasyada Somalida ka waran, Dadkooda intii la duleeysan lahaa iyaga in la Xabsio ma ka door bidayaan?..=Nasashada Jimcaha . Q-214=

Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe.
1-Nin ayaa Xaaskiisa oo Saddax Cisho Foolaneeysay, waxa uu geeyay Isbitaalka Digfeer ee Deg. Hodon, Dhakhaatiirtii Turkiga ayuuna ku yiri: Xaalka Xaaskeygu ma fiicno ee Xaaska ama Cunuga mid ii badbaadiya.
Dhakhaatiirtii ayaa ku yiraahdeen: Hadda waxaan ku jirnaa Qaliinkii ugu adkaa ee abid na soo maro, oo ah, in aan kala Fujino Siyaasi Somaliyeed iyo Kursiga Siyaasadda, waa Qaliin khatar ah oo laga yaabo in aan lagu guuleysan, ama in midkoodna uunan badbaadin, Hadii laga helo Cudurka la yiraa “Qof iyo Cod” oo aan waqtigaan ku habooneeyn ama Cudurka kale ee Kaligeey ayaa qaabka Doorashada dikteeyd gareeynayo ”. ( F.S: 1 & 2aad).
2- Boqor ayaa xabisiga dhigay, Nin la soo eedeeyay, waxaa u yimid Madaxdii Qabiilka Ninka la xiray oo dhan, iyaga oo si xushmad leh ula hadlayay Boqorkii. Kadibna Boqorkii ayaa yiri: Muxuu ahaa Ninkaan aad dhamaantiin u timideen dartiis si aan u sii daayo. Waxay ku yiraahdeen Ninkan aad xirtay waa Ugaaskeenii. Waxa uu yiri Boqorkii: Muxuu iigu sheegi waayay inuu yahay Ugaas. waxay yiraahdeen waxa uu diidayay inuu is duleeyo oo uu baryootamo, Dadkiisana loo arko kuwo duleeysan waxa uuna dhowrayay Sharafta Beesha.
Boqorkii Waa sii daayay. Maalin kadib ayuu ogaaday in Ninku ahaa, Nin qoowsaar ah oo Geela ilaaliyo. Boqorkii oo ka xanaaqsan sidii ey u khayaaneen, ayaa u yeeray Qabiilkii kuna yiri: iigu imaada Qasrigeeyga iina keena Ugaaskiina Runta ah si aan u xiro Ugaaska.
Waa yimideen Qabiilkii oo uu la soocdo Ugaaskoodii runta ahaa, Markii Boqorkii uu weydiiyay Sababta uu u dooratay Ugaasku in isaga la xiro Qoowsaarka bedelkiisa, ayuu ku jawaabay Hadalkii caanka noqday ee ahaa (( waxaa ii kheyr badan in la i xiro intii Qoowsaarka Geela Tolka ilaaliyo la xiri lahaa. Ugaasna ma jiro haddii la duleeysanayo Dadka uu Ugaaska u yahay)). ( F.S: 3aad).
(Ugaasyada Somalida ka waran, Dadkooda intii la duleeysan lahaa iyaga in la Xabsio ma ka door bidayaan?, Magaca iyo Sharafta Dadkooda ma dhoowraan?).
3-Agaasme ayaa yiri: Haddii aad Telephone ku wacdo Wasiirka ee uu ku yiraa: Magaalada Dhuusamareeb ayaan joogaa, 5 Daqiiqo kadibna isla Wasiirkii uu kaaga soo hor baxo Waddaada Maka Al-Mukarama ee Mogadishu. wasiirka haku war celin ee isaga niyeeyso in Adiga laftaadu aad Dhuusamareeb joogto.
(kii ka maqan iyo kii joogaba wax ku dhaafi maayaan, Go’aanka waxaa loola soo naqanayaa, kuwo haddaba sii og Go’aanku waxa uu noqon doono).
4- Single Mother ayaa soo iibsatay Qalabka Taranka Ragga oo ah “Robot” macmala, laguna sameeyay Dalka Shiinaha. Waxaa uu lahaa Labo passward. 1- Mi ju wii, oo ah Gal oo shaqada Bilaaw, 2- Ju fii shuu, oo ah Jooji oo soo bax. Markii ey siisay amarkii 1aad, Saddax Saac kadib ayaa waxa ey hilmaantay, amarkii 2aad. 9 saac markii ey ku rafaaday ayaa waxaa ku soo baxay Deriskii, waxaa ugu dambeeyn la wacay Milkiilihii Dukaankii ey ka soo iibisatay, isagiina waxa sii wacay Shirkadii Shiinaha ee sameeysay.
(Gudigii Dastuurka ayaa waxa ey ku howl bilaabeen Dastuur khaldan, waxaana ka dhumay kii Asalka ahaa ee la xady, 2 sanno kadib Go’aankoodii waxaa dood ka keenay Labdii Aqal, markii Xal loo waayay ayaa loo yeeray Maamul Gobaleedyadii, oo markii ey ka quusteen iyaguna u yeeray Beesha Caalamka) ( F.S: 4aad)
5-Nin ayaa yiri: Xaaskeeygu marka ey aad u faraxsan tahay oo ey Jikada ku dhax Heeseyso, Banaanka ayaan u soo baxaa si uuna Derisku ugu maleeyn Codkeeda in aan dilayo, oo ey Ooyneeyso. Laakin marka ey dhameeysato ayaan gudaha gala waxaana ku dhahaa: Soowtu Raxma, Haddaad Fanaan ahaan leheeyd Adigaa Dalka ugu caansanaa lahaa. Hoos ayaan haddana u iraa: Fanaaniin saas ahna waa joogaan Dalka. ( F.S: 5aad)
( La Talyayaasha qaar ayaa marka Madaxdu ey u khudbeeynayaan Shacabka, ayeey Dibadda uga baxo Shirka, marka ey Xafiiska ku Noqdaan Madaxduna waxay ku yiraahdaan, Shacabku aad ayuu ugu farxay khudbadaadii, waxayna la haayeen Shacabku welgaa Joog. Ar La taliye Tacbaan ahi muxuu Madax taqaantuqiyay ).
6-Saddax Wiil oo Sakhraan ah oo Waddo marayo ayaa waxaa ka hor yimid, Nin isaguna Cabsan. Sadaxdii Wiil midkii dhaxda taagnaa ayuu Farta ku Fiiqay, kuna yiri: “Hooyadaa ayaa ugu Rag Qancis badan Magaalada”. Wiilkii Sakhraanka ahaa Saaxiibadii ayaa ku yiri: War Ninka Garaac, Laakin Wiilkii uma jawaabin. Ninkii ayaa iska baxay oo haddana Hal Saac kadib ka soo hor baxay mar kale, kadibna isla Wiilkii ayuu farta ku fiiqay kuna yiri: “Hooyadaa aad ayey u macaan tahay, Hadda ayeyna i soo qancisay”. Wiilkii ma jawaabin, inkastoo Saaxiibadii ey aad uga caroodeen Ninka sakhraanka ahaa hadalkiisa. Ninkiina waa iska tegay. Hadana Toban Daqiiqo kadib ayuu soo noqday, kuna yiri wiilkii: “Hooyadaa Anniga oo kaliya ayeey iga heshaa”. Saaxiibadii ayaa aad u sii carooday, laakin Markaan Wiilkii ayaa u jawaabay kuna yiri: Caawaa aad ayaad u cabsan tahay ee Guriga u noqo Aabe. ( F.S: 6aad)
( Shacabka ka xanaaqayo, Amarada Beesha Caalamka iyo Jawaab la’aanta Madaxdeenu, ma is weeydiiyeen Xiriirka ka dhexeeyo Madaxdeena iyo Akhyaarta Beesha caalamka ee Xalane joogto, wax hubso)
Qore: Yahya Amir