Suldaanka dalka Cummaan oo Dhambaal u soo diray Madaxweyne Farmaajo

Suldaanka dalkaasi, Haashim Bin Taariq Al-saciid waxa uu Dhambaal ku aadan Bilshada Sannadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1442-ka u kala diray Madaxda dalalka Islaamka, isagoo Ummadaha Islaamka u rajeeyey sannad cusub oo Nabad iyo Kheyr leh.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wakaalladda Wararka dalkaasi ee ONA waxa Madaxda uu Suldaan Haashim Bin Taariq u diray Dhambaalkaasi ka mid ah: Madaxweynaha Somalia, Boqorka dalka Sacuudiga, Boqorka dalka Baxrayn, Amiirka dalka Qatar, Amiirka dalka Kuweyt, Boqorka dalka Morooko, Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Algeria, Tunisia, Syria, Iraq, Falastiin, Masar, Murutaaniya, Pakistan, Bangaladesh, Turkiga, Iran, Chad, Gambia, Senegal, Nigeria iyo kuwo kale.