Koox Burcad Badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab Ganacsi oo ku soo wajahnaa Dekedda Muqdisho.

Koox Burcad-baddeed ayaa la sheegay inay xalay qafaashden Markab Ganacsi oo ka soo shiraacday dalka Imaaraadka, kuna soo jiheysnaa Dekedda magaallada Muqdisho.

Markabkaasi oo Calanka dalka Panama ku safrayey waxa uu u muuqday mid ay qabsatay Cillad Farsamo, taasi oo Burcad-baddeeda u sahashay inay qafaashaan Markabka iyo Badmaaxiintii la socotay.

Markabka ayaa la rumeysan yahay in laga qafaashay meel ka baxsan Xeebaha Puntland.

Guddoomiyaha Gobalka Gardafuuy ee Puntland, Muuse Saalax oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inay 6 Burcad baddeed ah xalay weerareen Markabkaasi, mana kala cadda tirada Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay socdaan Wada-xaajood lagu doonayo in lagu sii daayo Badmaaxiinta la afduubtay.

Tan iyo sanadkii 2011-kii, waxay Burcad-baddeeda Soomaalida 237 weerar ka fuliyeen meel ka baxsan Xeebaha Somalia, iyagoo qafaashay Boqolaal Badmaaxiin, oo ay markii dambe ku sii daayey Madax-furasho Malaayiin Dollar ah.