C/Raxmaan C/Shakuur “Aniga iyo Cali Mahdi waxaan ka wada hadalnay in shirarka Muqdisho la balaariyo, lana gaarsiiyo…”

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir C/Raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa bartiisa Facaebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo inuu kulan la yeeshay Madaxweynihii hore Cali MahdiMaxamed,”Waxaan kulan waqti qaatay wada yeelanay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamad”ayuu ku yiri Qoraalkaasi.


“Aniga iyo Cali Mahdi waxaan ka wada hadalnay in shirarka Muqdisho la balaariyo, lana gaarsiiyo heer Hawiye iyo Soomaali” ayuu ku yiri Qoraalkaasi.
“Dalku wuxuu marayaa xaalad adag iyo xili kala guur oo aan looga maarmin odayaasha waaya araga ah oo sidiisa oo kale ah” ayuu yiri mar kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.
“Madaxweyn Cali wuxuu maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa ganacsiga, waxaase walwal badan ku haya xaalada adag ee uu dalka marayo iyo is faham la’aanta xiliga kala guur siyaasadeed”.
Dhanka kale wuxuu sheegay C/Raxmaan C/Shakuur Warsame in kulankaasi uu ku wehlinaayay xoghayaha maaliyada ee Xisbiga Wadajir Mudane Shador Haji iyo ganacsade Maxamuud Macalin Cabdulle.