Qalab digniin ka bixinaya Webiga Shabeelle oo la geeyay degmada Afgooye (Daawo)

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay hindistay qalab lagu ogaanayo xaaladda wabiga Shabeelle, waxayna soo bandhigeen qalabka loo adeegsanayo la socodka wabiga gaar ahaan xilliyada uu sameynayo fatahaadaha.

Howlgal kooxda dhallinyarada ah oo ka qalin jebisay jaamacadda Jamhuuriya ee xarunteedu ku taalo magaalada Muqdisho ayaa waxay uga warbixiyeen qaabka loola soconayo dhaqdhaqaaqa fatahaadda wabiga Shabeelle oo dhibaato xoogan ku hayay qoysaska beeraleyda iyo kuwa ku teedsan hareeraha wabiga.

Wabiga Shabeelle gaar ahaan degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoore oo dhallinyarada oo ku taqasustay cilmiga Computerka ka sameeyeen tijaabada qalabka ay hindiseen ayaa sheegay inay iyagu marka ay arkaan khatarta wabiga dadka uga digayaan.

Dhinaca kale dadweynaha degmada Afgooye ayaa uga mahad celiyay ardayda dhallinyarada jaamacadda Jamhuuriya qalabka ay hindiseen oo wax ka taraya kahortagga fatahaada uu sameeyo wabiga.