Muhaajiriin ku geeriyootay Dooni ku degtay Xeebaha dalka Libiya.

Ugu yaraan 45 qof oo 5 ka mid ah carruur ahaayeen ayaa la sheegay inay ku hafteen Dooni maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ku degtay meel ka baxsan Xeebta Degmadda Zawaara ee dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen Hay’addaha UNHCR iyo IOM ayey ku sheegeen inay Muhaajiriintaasi geeriyoodeen, kadib, markii uu qarxay Matoorka Doonidii ay la socdeen.

37 qof ayaa ka badbaaday Doonidaasi, kuwaasi oo badankooda ka soo kala jeeda dalalka Senegal, Maali, Jaad iyo Gaana.

Dhinaca kale, ugu yaraan 302-qof ayaa ku haftay Xeebaha ka baxsan dalka Libiya sanadkan oo keliya.