Shixnadaha Hubka Iiraan u daabulaan Xuutiyiinta oo loo soo gudbiyo Somalia

Hay’adda Caalamiga ee La-socodka Dembiyada Abaabulan waxay ka digtay in Hubka iyo Rasaasta ay Dowladda Iiraan siiyaan Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen in laga yaabo in Qaab Suuq Madow ah loogu sii gudbiyo dalalka Bariga Afrika.

Hay’adda waxay sheegtay inay helaan caddaymo muujinaya inay Shabakadaha Dembiyada ah ay Hubkaasi u sii gudbiyaan Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Somalia.

Cilmi-baarayaal ka socda Hay’adda Caalamiga ee La-socodka Dembiyada Abaabulan ee The Global Initiative Against Transnational Organised Crime waxay xiriir la sameeyeen Nin Soomali oo Hubka iibiya, kuna sugan caasimadda dalka Yemen ee Sanca, kaasi oo sharaxaad ka bixiya Hawlaha iibinta Hubka loo daabulo Somalia.

Ilo-wareed ayaa soo gudbiyey qiimaha la kala siisto Qoryaha AK 47, Qoryaha fudud ee Darandooriga u dhaca, Qalabka laga tuuro Gantaalladda iyo noocyada rasaasta kuwa yaryar ilaa kuwa waa weyn.

Warbixinta Hay’adda Caalamiga ee La-socodka Dembiyada Abaabulan waxaa lagu sheegay inay dib-u-eegis ku sameeyeen Hubka uu Ganacsadaha Soomaalida ku iibiyo caasimadda dalka Yemen ee Sanca, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay ahaayeen Hubka ay Dowladda Iran ku taageertay Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta dagaalka kula jira Dowladda Yemen ee ay taageeraan Isbahaysiga Carbeed. Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay soo ogaadeen Xaqiqida goobaha la geeyo Hubka laga tahriibiyo Yemen.

Warbixinta Hay’adda Caalamiga ee La-socodka Dembiyada Abaabulan waxaa lagu muujiyey in Dowlad-gobaleedka Puntland tahay meesha ugu horreyso ee laga geliyo hubka sida kontorobaanka looga soo qaado Yemen. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Noocyada Hubka ee la geeyo Puntland ay isugu jiraan Hubka fudud sida Bistooladaha, Qoryaha, Gantaalladda Garabka laga tuuro, Qoryaha darandooriga u dhaca ee lagu farsameeyey dalkii Midowgii Soofiyeeti iyo weliba rasaastooda.

Dadka Hubka u gudbiya Puntland waxaa la sheegay inay qaarkooda adeegsadaan Doonyaha dheereeya ee Shixnadaha Hubka ka keena Degmooyinka ku teedsan Xeebaha dalka Yemen, gaar ahaan Degmooyinka Mukala, Biir Cali, Balxaf iyo Ash-shihir. Mid ka mid ah Kooxaha Hubka sida Kontorobaanka u geliya Puntland waxay adeegsadaan Doonyaha waa weyn, iyagoo inta badan Gantaalladda Lidka Diyaaradaha iyo Hubka casriga ka soo daabulo Xeebta Degmadda Makran ee dalka Iran.

Ciiddanka Caalamiga ee ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia waxay Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2015-kii dhowr Doonyadood oo laga leeyahay dalka Iran oo si kontorobaan ah Shixnadaha Hubka ugu soo daabulayey Somalia.

Si katsaba ha ahaatee, Tan iyo sanadkii 1992-kii, dalka Somalia waxaa saaran Cunaqabataynta QM ee Hubka, balse Ganacsatada Hubka waxay si kontorobaan ah Shixnadaha Hubka soo iibsadaan dalka Yemen, waxaana hubkaasi lagu iibiyaa Suuqyada Hubka ee Somalia.