Shaqaalaha Dowladda oo loo fasaxayo Bilashada Sanadka cusub ee Hijriyadda oo maalinta beriah ku beegan..

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee XFS ayaa lagu shaaciyey inay Shaqaalaha DFS iyo heer Dowlad-gobaleedyo ay berrito oo Khamiis ah fasax ka yahay Hawl-maalmeedkooda.

Qoraalka oo la soo dhigay Barta Facebook ee Wasaaradda waxaa kaloo lagu xusay in Shaqaalaha loo fasaxayo Munasabadda lagu soo dhaweynayp Bilshada sanadka cusub ee Hijriyadda ee 1421-ka.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Federalka waxay Munaasbadaasi darteed u rajeysay dhamaan Ummadda Soomaalida inay ku farxaan Maalinta dhalashada sanadka cusub ee 1421-ka, maadaama uu Nebigeenna Muxumad CSW uu ka hijrooday magaalladda Maka Al-mukarama, una hijrooday magaalladda Madiinatul-Munawara.

Halkan ka aqriso War-saxaafadeedka oo dhamaystiran: