DEGDEG: Madaxweynihii Maali oo Is-casilay, kalana diray Barlamaankii dalkaasi.

Madaxweyne Ibrahim Abubakar Keita wuxuu Waaberigii hore ee saakayto oo Arbaco ah ku dhawaaqay inuu Xilka iska casilay, kadib, markii ay Ciiddanka Afgembi sameeyeen.

Madaxweynaha oo Hadal ka jeediyey Telefishinka Qaranka ee ORTM 1 Wwaxa uu tilmaamay inuu iska casilay Xilkiisa, isago osheegay inuusan doonayn in dhiig la daadiyo, kadib, markii ay Koox ka tirsan Ciiddanka Qaranka ku dhawaaqeen Afgembi horseeday Qalalaaso Siyaasadeed.

“Maanta, qeybo ka tirsan Milliteriga waxay go’aansadeen inay Faragelinta lama huraan tahay. Xaqiiqdii, ma haystaa Xulasho? Waayo, Aniga ma doonayo dhiig data” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkaasi jeediyey isagoo ku sugan Saldhig Milliteri oo ku yaalla Degmadda Kayta oo 15KM u jirta Caasimadda dalkaasi, halkaasi oo ay Ciiddanka ku qabteen isaga iyo Saraakiil kale xilligii hore ee shalay oo Talaado ahayd.

Khudbadiisa waxa uu ku sheegay inaysan kala caddayn haddii ay Milliteriga haatan si rasmi ah ma’uul uga yihiin dalka.

Madaxweyne Ibraahin Bubakar Keyta ayaa hadalkaasi jeediyey isagoo u muuqday Shaqsi aad u daalan, anfariirsan, isla markaana xiran Gafuur-duubka.

Khudbadiisa kooban waxa kale oo uu ku dhawaaqay inuu kala diray Barlamaanka dalka.

Mar sii horeysay, Madaxweyne Ibraahim Bubakar Keyta iyo Ra’isul-wasaare Boubou Ciise waxaa xiray Ciiddanka Afgembiga dhigay, kadib, dhowr bilood oo ay Xiisado ka jireen dalka Maali.

Milliteriga Afgembiga sameeyey ayaa la filayaa inay goor dhow soo saaraan Hadal-qoraal oo ay kaga hadlayaan Ajendahooda iyo Halka uu dalku wajihi doono.

Dowladaha deriska, kuwa Midowaga Europe iyo Ururka Midowga Afrika waxay cambaareeyeen Isku-dayga Afgembi, waxayna Saraakiisha Afgembiga uga digeen Talalabo kasta oo liddi ku ah Isbedel kasta ee aan Dastuuri ahayn ee Awoodda kula wareegeen.

Malian soldiers are celebrated as they arrive at the Independence square in Bamako on August 18, 2020. – Mali’s Prime Minister Boubou Cisse called on August 18, 2020, for “fraternal dialogue” with soldiers who seized a key military garrison and have triggered fears of a coup attempt.
The prime minister also admitted that the soldiers may have “legitimate frustrations”.
Details of the events in Mali remain unclear. But according to witnesses and officials, soldiers seized an important army base in the town of Kati, near the capital Bamako, on the morning of August 18, 2020. (Photo by MALIK KONATE / AFP) (Photo by MALIK KONATE/AFP via Getty Images)

Mar sii horeysay maalintii shalay (Talaado), waxay Dibadbaxayaasha Mucaaradka isugu soo baxeen Fagaare ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Bamako, iyagoo taageero u muujinaya Afgembiga Milliteri.

Dhanka kale Safaaradaha shisheeyaha ee ku sugan dalkaasi waxay dadkooda kula taliyeen inay joogaan gudaha guryahooda.