Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka ee Hirshabelle oo xalay lagu dilay Magaalada Jowhar.

Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka ee Hirshabelle, Xildhibaan C/qaadir Abuukar Muxumad Karaaani ayaa waxaa Fiidnimadii xalay lagu dilay magaalladda Jowhar, xilli uu ka soo laabtay Masjid u dhow gurigii uu deganaa.

Marxuumka oo dhowr maalmood ka hor Xilkaasi loo magacaabay ayaa la sheegay inuu u geeriyooday rasaastii lala dhacay, iyadoo Kooxihii weerarka geystay ka baxsadeen goobta.

Hay’addaha Ammaanka ee DG Hirshabelle ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilka Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka ee Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DG Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle, Cismaan Barre Maxamed waxay ka tacsideeyeen dilka Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka.