Sucuudiga oo cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotel-ka Elite ee magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelk Elite ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof, oo ay ku jiraan shan weeraryahan, sida ay sheegeen laamaha amaanka Soomaaliya.

Wasaaradda oo sheegtay in ay diidantahay dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada iyo waxa loogu yeero argaggixisada ayaa tacsi u dirtay qoysaska eheladooda waayay iyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo inta ku dhaawacantahay u rajaysay caafimaad.

Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday hoteelka caan ah ee ku yaalla waqooyiga caasimada Soomaaliya oo ay ku dhinteen ugu yaraan tobaneeyo qof, oo ay ku jiraan shan weeraryahan, ayaa ciidamada amaanka soo gabagabeeyeen habeenimadii Axadda kadib dagaal hubeysan oo ka dhacay gudaha Hotelka waxaana halkaasi laga soo badbaadiyay boqolaal shacab iyo Masuuliyiin isku jiray.

Weerarada Al-shabaab ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay, iyada oo dalku jiro xiisad siyaasadeed oo ka dhalay xil ka qaadistii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo arimaha doorashooyinka dalka waxaana arinta sii calwiyay xakameyso faafitaanka ‘coronavirus’, daadad ku soo rogmaday deegaanada ay maraan wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo daadgureeyay tobanaan kun oo dad ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay intaas waxaa dheer Ayax halis ku haya cunnada iyo beeraha.

Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa xoog ku galay gudaha Hotelka waxayna badbaadiyeen in ka badan 200 oo qof oo ku jirtay gudaha hoteelka, sida uu sheegay Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka Soomaaliya.

Kuwa la badbaadiyey waxaa ka mid ah mas’uuliyiin sarsare oo dawladda ah iyo milkiilaha hudheelka, Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo hore u ahaa wasiiru dowlaha maaliyadda hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Dadka dhintay waxaa ku jira labo sarkaal oo ka kala tirsanaa wasaaradaha difaaca iyo Warfaafinta, Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa wariyey. Ugu yaraan 18 qof ayaa dhaawacmay, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.