Saldhigga Dhuusamareeb oo dib loogu dhisayo isxiqaan.

Dhuusamareeb:- Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska Galmudug Sareeye guuto Bishaar
Abshir Geedi ayaa maanta daahfuray dhismaha Saldhigga Booliiska ee xarunta Galmudug ee Dhusamareb oo lagu dhisayo is-xilqaan.

Taliye Bishaar ayaa ku yaboohay lacagtii ugu horaysay ee uu gacan kaga gaysanayo dhismaha saldhiga Dhuusamareeb oo mudda dheer aan wax dayactir ah helin, dhanka kale ciidamada Booliiska sadhigga ayaa Saaka Subaxnimadii hore Saldgigga ka bilaabay howlo Nadaafadeed oo dhinac soconaya dhismaha.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga Galmudug ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha saldhigga oo si is xiqaan ah lagu dhisayo dhamman qaybahii uu ka koobnaa Saldhigga

Taliska Booliiska qaybta Galmudug ayaa wada dadaal dheeri ah iyo sidii dib u dayactir iyo qaabayn loogu samayn lahaa saldhigyada iyo xarumihii ciidanka Booliiska