NUXURKA KHUDBADDII MADAXWEYNE CYRIL RAMAPHOSA.

SOUTH AFRICA Laga bilaabo Isniin 17 August 2020, Dalka Koonfur Afrika, waxa uu galayaa xaalad kale oo cusub Level2 oo ku eg (15 September 2020), iyadoo markale uu Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu Caawa qafiifiyey Bandowga COVID19 awgii loosoo rogay.


● Isku imaatinka Dadka, ayaa la fasaxay, balse Shuruud☝️50 Qof ka badan lama ogola.
● SIGAARKA Gabi ahaanba waa la fasaxay.
● Iibinta Qamriga ayaa iyana la fasaxay.
● Maqaayadaha & Baararka waa furan yihiin
● Bandowga Habeenkii wali sidiisa ayuu u jiraa laga Bilaabo 10-ka ama Afar Saac habeenimo ilaa 5ta Aroornimo.
● GYM ka ama Goobaha lagu jimicsado ayaa sidoo kale la ogolaaday.
● Safarada gudaha, ayaa gabi ahaanba la furay, Sida Duulimaadyada iyo Basaska.
● DUULIMAADYADA DIBADDA LAMA FASIXIN, Madaxweynaha wuxuu sheegay inay Xirnaan doonaan ilaa 15-ka September ee soo socota xilligaasoo uu ku eg yahay LEVEL2 iyadoo markaas ka dibna go’aan laga gaari doono.
● HOME AFFAIRS-KA, Masoo Hadalqaadin balse marba haddii la yiri 50 Qof ka badan Hal meel iskuma imaan karaan, waxay u badan tahay inaan wali la fasixin, hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa faafaahin ka bixin doona, sida uu qorshuhu yahay, maadaama Xafiisyada aadka loo sugayey in dib loo furo uu kamid yahay oo SHARCIYADA dadka badankiis kawada dhaceen intii Lockdownka lagu jiray.

WD: Abdulrazak IndhaJaceyl