Madaxweyne Qoor-Qoor “Lama joogo Xilli fariimo hawada la isku mariyo, Jubbaland & Puntland waa inay Cabashadooda keenaan..”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ahna Martigeliyaha Shirka (Dhuusamareeb 3) Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo xalay xili dambe Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb waxa uu ka hadlay cabashada Puntland iyo Jubbaland.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in madaxdaas looga baahan yahay in miiska ay soo saaraan cabashooyinka ay qabaan si looga wada hadlo, isla markaana xalka rasmiga ah loogu helo, halkii ay kusoo gudbin lahaayeen warqado ay soo saaraan.

“Dalkeeno wuxuu ku jiraa Xalad adag, oo Kala Guur ah oo looga Gudbi Karo Wada Jir Iyo In Dalkeena Loo Turo, Xilli Farriimo Hawada la isku Mariyo Ma joogto, Waa la kala duwanaan karaa, waa jiri karaan waxyaabo aan lagu wada qanacsanayn balse goobteedii, gogosheedii iyo ballankeedii baa la joogaa oo ay tahay in looga wada hadlo oo lagu heshiiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu ka dalbaday madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan shirka in yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Madaxda kale ee Shirka uu kala dhaxeeyo.

Dalabkii ay soo bandhigeen Madaxda Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in la helo dad damaanad qaada fulinta ballamada kasoo baxa shirka, waxa uu ugu jawaabay in aan la joogo waqti la kala dhexgalo Soomaalida oo haatan iyagu isku ah damaanad sida uu hadalka u dhigay.

Qoor-qoor Waxa uu u jeediyay in ay ka qaybgalaaan Shirka (Dhuusamareeb 3), wax walibana looga heshiinayo sidii Shirarkii kan ka horeeyay xalka looga gaaray tabashooyinka miiska lasoo saaray.

“Sidaa darteed, waxaan ka codsanaynaa walaalaha sharafta leh, saaxiibbaday in ay yimaadaan gogosha. Shirku wuu furanyahay waxaan markale ka codsanayaa walaalaheey in ay Galmudug ku ixtiraamaan ka soo qeybgalka Shirkaan” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu warbaahinta kahor sheegay in uu la xiriiray Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland si uu ugu qanciyo ka qaybgalka gogosha xalka looga gaarayo doorashada dalka (Dhuusamareeb 3).

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay in Wajiga 1-aad ee Shirka (Dhuusamareeb 3) uu furmay, loona sii gudbi doono qodobada kale ee lagu ballansan yahay, waxaana uu sheegay in gogosha ay dhigeen Dadka Galmudug la doonayo in lagu xushmeeyo, maadaama aragti fog ay ka leeyihiin.

Shirka (Dhuusamareeb 3) ayaa u muuqda in uu ka caqabado iyo culeys badan yahay wajiyadii 1-aad oo u dhaxeeyay Madax goboleedyada, iyo kii labaad oo ay ku biireen Madaxda Dowladda Federaalka, balse waxaa ku kali ah Madaxweyne Farmaajo, maadaama Ra’iisul Wasaare Khayre kalsoonida uu kala laabtay Golaha Shacabka, waana tan keentay in ay saluug muujiyaan Madaxda Puntland iyo Jubbaland.