Kenya oo beenisay in la musuqmaasuqay lacagihii loogu talogalay Covid-19.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa beenisay wararka sheegaya in xatooyo ballaaran lagula kacay malaayiin doollar oo deeq ahayd iyo qalab loogu talogalay wax ka qabashada faafitaanka Covid-19.

Baaritaan uu sameeyay telefishin gudaha dalka ah ayaa lagu sheegay in laga yaabo in in ka badan $400m (£304.5m) oo deeq ahayd aanan loo adeegsan wax ka qabashada xanuunka Covid-19.

Shaqaalaha caafimaadka Kenya ayaa ku hanjabay inay shaqo joojin sameyn doonaan sababo la xiriira inaysan heysan qalabka difaaca.

Baaritaanka waxaa lagu sheegay in shakhsiyaad ay ka mid yihiin siyaasiyiin ay ka faa`iideysteen qandaraasyo lagu keenayo qalabka difaaca oo ay ku jiraan maaskarada wejiga iyo dharka difaaca.

Qaar ka mid ah shirkadaha la siiyay qandaraasyada malaayiinka doollar ayaa keliya la aasaasay bilooyin kahor, sida lagu xusay baaritaanka.

Shirkado kale oo qandaraasyo la siiyay ayaa iyagana lala xiriiriyay qaraabada saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.

Isagoo baarlamaanka la hadlayay ayaa wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe, wuxuu baaritaanka ku sheegay mid aan sal lahayn, wuxuuna intaas raaciyay in wasaaraddiisa ay sharraxaad ka bixin karto halka ay ku baxday in ka badan $200m (£152m) oo deeq ahaan u soo gaartay.

Balse baaritaanka ayaa lagu xusay in labalaab lacagtaas aan la ogeyn halka ay ku baxday. Dowladda ayaasebeenisay eedeymahaas.