Jubbaland oo qaadacday Shirka Dhuusamareeb 3=Warsaxaafadeed=

DG Jubbaland waxay si rasmi ahaan ugu dhawaaqday inaysan ka qeyb geli doonin Gogasha Shirweynaha Wada-tashiga Madaxweynayaasha DF iyo 5-ta Dowlad-gobaleed oo gogosheedu taallo Caasimadda DG Galmudug ee Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ay DG Jubbaland soo saartay waxay ku soo bandhigtay Dhowr qoddob, iyagoo ku baaqay inay Beesha Caalamka kaalin mug leh ka qaataan Qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo loo wada dhan yahay.

DG Jubbaland waxay ku eedeysay DFS inay meesha ka saartay Xukuumadii hoggaamin lahayd Arrimaha Doorashada iyo inaan RW kale la soo magacaabin.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Xadgudubka Matalaadda Aqalka Saree e BFS iyo inay DFS faragelin iyo xadgudub ka wado Deegaanadda Jubbaland, gaar ahaan Gobalka Gedo, waa sida hadalka loo dhigay.

DG Jubbaland waxay kaloo ku eedeysay DFS inay iska indho-tirayso Baahida loo qabo Heshiis Siyaasadeed oo laga gaaro Arrimaha Doorashooyinka ee sanadaha 2020/2021

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka ay DG Jubbaland kaateen Shirkaasi ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay DG Puntland horey ugu dhawaaqday inay qaadaceen Ka-qeybgalka Shirka Dhuusamareeb 3.

Dhanka kale Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo KGS waxay maalmihii la soo dhaafay ku sugan yihiin Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan Shirkaasi oo haatan galay Is-jiidjiid Siyaasadeed.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ay Jubbland ku qaadaceen Shirka Dhuusamareeb 3: