Hay’adda IOM oo sheegtay in bilihii lasoo dhaafay 32-Degmo oo Soomaaliya ay ku dhex barakaceen 1.2 milyan oo ruux.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee la socoto dhaq-dhaqaaqa Qaxootiga ayaa xog baaris ay ku sameysay Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay waxa ay ku sheegtay in ay ku ogaatay qoysaska gudaha dalka ku dhex barakacay bilihii lasoo dhaafay.

War kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in Qalaalaasaha colaadda iyo xaaladaha bani aadamnimo ee ka dhashay musiibooyinka dabiiciga ah in ay sabab u noqdeen qoysas badan oo gudaha dalka ku dhex barakacay.

“Qalaalaasaha Bani aadamnimo ee ka jira Soomaaliy oo lagu daray xaaladda dabiiciga ah, ammaanka, dhaqaale iyo cudurada waa kuwa ugu badan ee sababta u noqday in ay guryahooda ka barakacayaan qoysas badan si ay u helaan nolol ka wanaagsan tan deegaannadooda ay ku dhibtoodeen” ayaa lagu yiri war lagu daabacay Bogga Hay’adda IOM.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in nabadgalyo la’aanta, rabshadaha, go’doominta, saboolnimada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo dhammaan caqabadaha kale ee ku horgudban dadka dantayar waa kuwa ugu badan ee ka barakiciyay deegaannadooda.

Hay’addu waxa ay intaa raacisay in dadkaan waxyaabaha usii dheer ay kamid yihiin dagaalada ama isku dhacyada oo sabab u noqda dhibaatooyinka nololeed iyo in meel la iska dhigo ilaalinta xuquuqda Aadanaha, maadaama tacadiyo kala duwan ka dhashaan.

IOM ayaa tilmaamtay in cudurka Covid-19 uu saameyntiisa ku yeeshay dadka kunool deegaannada aan ka jirin adeegyada caafimaadka iyo daryeelka wanaagsan, taasina ay sababtay in qoysas badan walwal iyo cabsi xooggan ku noolaadaan.

Soomaaliya waxaa intaas usii dheer, halista saddex geesoodka ah oo kala ah: Daadadka Xili roobaadka, Ayax dhibaateenaya dallaga ka badbaaday fatahaadda iyo Cudurka Safmarka ah ee Covid-19.

Dhammaadkii bishii 6-aad (June) ilaa bilawgii sanadkaan waxaa da’ayay roobab daadad badan dhaliyay, waxaana karkaarada jabsaday Wabiyada Dalka, halka biyaha kasoo hooray dhulka sare ay sababeen xaalado bani aadamnimo.

Xili roobaadka haatan la galay ayay Hay’addu sheegtay in cabsi horleh ku beerantay qoysaska ka badbaaday musiibooyinkii hore, waxaana usii dheer saadaasha Cimilooyinka iyo dabaylaha dhanka badda.

Hay’adda ayaa sheegtay in guud ahaan dalka ay ku dhex barakaceen 1.2 milyan oo qof oo ku kala nool 32 degmo oo ku kala baahsan Soomaaliya iyadoo ku dhowaad nus milyan qof ay ku barakaceen.

Xigasho:IOM