Haddii aan dhaho ”Afkii hooyo iyo Dhulkii Aabbe” Sax miyaa mise?

Waxa ay aheyd su’aal aan la wadaagay asaxaabta, waxaana ka soo noqday jawaabo badan oo kala duwan badankoodse aad isugu dhawaa. Marka aad aqriso jawaabaha fal-celiska ah oo la bixiyay waxaa kuu soo baxayo in loo batay Difaaca kaalinta Hooyo. Waxa aadba is leedahay waxa la dhigay Halkeedii, Waa minaad ka deeymooto dhinaca xaqa hooyada. Waa tii xadiisku ahaa ”Ummak summa ummak summa ummak”.
Hooyada iyo kaalinta ay Bulshada ku leedahay waa mid muuqato oo aan caad saarneyn, waata haddana Rasuulkeenna suubban lahaa ”Janna Taxta Akhdaamu ummuhaat”. Abaalka hooyadu, wax loo dhigo la waa…Middaasu waa biyo kama dhibcaan la isla waafaqsan yahay. Waa inta wax garata, Nacas iyo qof liita kuma jiro xisaabta.
Suugaanleeyda Soomaaliyeed, kaalinta Hooyadu wax badan oo suugaanta ah ayay ku cabbireen oo aanan la soo koobi karin. Bal aqri ama dhegeyso kuwaan si aad u ogaato Hooyada iyo Maasooleyda Soomaalida:
– Heesta Hooyo Ereyada Hadraawi
– Heesta Hooyo Ereyada AUN Cabdi Bashiir Indhabuur
– Heesta Hooyo ku luqeeyo Cabdulle Yuusuf Hanuuniye
– Gabayga(Saar) Hooyo AUN Careys Ciise
– Gabayga Hooyo Abwaan Qummane
– Gabayga Hooyo Abwaan da’ yar Camaari
– Guuroow Hooyo AUN Abwaan M.Gacal Xaayoow
– IQK oo badan.

Intaas hordhaca ah waxaa iga keenay dareenka ka dhashay Falcelintiina, oo mararka qaarkeed aan arkaayay dad si caro leh iigu soo jawaabayo si aan dafiray kaalintii HOOYO. Idinka ma idinla tahay in aan dafiray kaalinta Hooyo Su’aashaas darteed. Middaas idinka ayaan idiin daayay.
Waxa kor ku xusan oo su’aashu tahay waa laba erey iyo laba erey, oo kala ah (AF , Dhul) iyo (Hooyo, Aabbe), Hooyo iyo Aabbe waa laba waalid oo naga mudan in aan baarri u noqonno, sida ay u kala mudan yihiin Diinta iyo Dhaqanka ayaa xusay waase laba waalid oon ka beerannay.
Af iyo Dhul, waa laba sheey oo la leeyahay. Sida loo kala leeyahay lafteeda waa kala mudan yihiin oo Afka waxaa la siiyaa Hooyada. Waa iyada waxaa af baro ilmaha, Canugguna Hooyada ayuu ku xiran yahay badiyaa As-baabo kala duwan darteed.
Marka Afku, Waa Afkii Soomaaliga, Carabiga iyo iyo. Mother language, Luqatul um, modersmål , Mader language IQK.
Qodobkaasi maahin biya dhaca su’aasheeydu. Soo bandhigidduna igama aheyn canaad iyo xujo balse…
Dhulku, waa meel goob xudduud leh oo qof ama dadi leeyihiin, Dadku waxeey noqon karaan qolo, qabiil, qowmiyad ama Dowlad.
Dhulku, waxa uu qaataa dadkaas ku nool magacooda, marna dadka ayaa qaata magaca dhulka ay ku nool yihiin. Labadaas fikir waa lagu kala gedisnaan karaa, waana lagu kala miisaan badnaan karaa.
Magaca cirqiga aad ka soo jeeddo iyo Degaanka aad ka soo jeeddo, waa waxa ugu horreeyo ee laguugu garan karo. Waxaa sii adkeyn karo caddeynta Hawiyadaada waa Afka oo isagana kaalintiisa muhiimka ah leh. Afka iyo Degaanka oo salka koowaad oo caddeynta u ah caddeynta qofka aad tahay.

Dhulku, waa wax u dhexeeya dadka ku nool Labka iyo Dheddigaba. Waxeeyna ku leeyihiin Xuquuq ku noolaansho, tacbasho iyo ka faa’iideysi badan oo kaleba. Labadooduna, dhulku waxa uu ku yeelanaa Waajibaad ballaaran oo iyaga dushooda saaran. Waa middaas midda kugu xambaareyso in aad u dhimato oo aad cadaw kastaa ka yureyso, dhiigaagana u hurto. Qormada haddii aad adiga meel dhaw ka aragto yeelkaa. Jinkeey maahan in aan meelo suke fiirsho…Isheeydu waxa ay qabataa meel fog.

Aan isku dayo in aan luuqa ka soo baxo oo aan bannaanka imaad, oo waa tii la yiri ”Bannaankiisa mare maradiisa geed ma xagto”.Waana hee tii mug kale la lahaa Luuq luuq maroow bannaankaa u dambeeyo”.
Dagaandegga dulucda iyo ujeedku waa kan ”Dhulku ma Aabbaha ayaa leh mise Hooyada” mise wuu ka dhexeeyaa. Aan ka nimaado magac bixinnada kala duwan oo siyaabo kala duwan iyo ujeeddooyin kala duwan ku kala baxay. (Faderland, Moderland) Dhulkii Aabbe, Dhulkii Hooyo, Waa magacyo na soo galay oo Ideologiyo iyo falsafado hore oo ujeeddooyin lahaa. Mar waxaa la yiraa ”ArdulAjdaad”, dhulkii awoowada.
Hooyada, canugga ay dhasho maxay dhaxal ahaan u siin kartaa?
Aabbahase, maxuu dhaxal ahaan u siin karaa Canuggiisa?
Waa Halkaan, biyadhaca ujeedka. Abtirsiinta ayaa ah midda meelaha qaar loo kuskado, oo waa meelaha qaar sida laga isticmaalo ee Qabiil ku abtirsashada, meelaha qaarna waa ka tageen oo magaalo ayaa lagu abtirsadaa gadaasha dambe. Kolka haddii abtirsiintu tahay Nasabka xagga Aabbaha, canuggu waxa uu raacayaa Nasabkaas sida Diintuba qabto.
Yaa Soomali ah? Yaa Masri ah? Yaa Swedish ah? Yaa Jabuutiyaan ah?
Jawaabaha su’aalahaan ma isku midbaa mise waa kala duwan yihiin? Haddii ay kala duwan yihiin ”Maxaa ay ku kala duwan yihiin?”.
Xuquuqda dhalashada iyo lahaanshaha degaanka Labada Waalid ma u simman yihiin mise?
Xuquuq iyo Waajib, waa laba sheey oo wada socda isku xiran kala duwan oo aasaas u ah wax kasta ka biloow Qoysga guriga illaa Dowlad illaa QM.
Labada isqabto, waxaa ka dhexeeyo Xuquuq iyo waajibaad Zowjiya, Dalku Xaq ayaa ku leedahay waajibna kugu leeyahay.
Xuquuqda bixinta Muwaaddinimmo ma Aabahaa ayaa bixinayo mise hooyada? Yaa dhihi karo Canuggeygu waa Soomaali ”Aabbaha mise Hooyada”?
Jawaabaha iyo talobixinta iyo furfurka halxiraalaha waa xagiinna.

Hussein Wadaad

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com