War saxaafadeed lage taageeraayo shirkii Mudulood ee Muqdisho oo lagu qabtay Gothenburg Sweden

Ururka Asal oo ay ku bahoobeen beesha Mudulood ee degta wadanka Sweden ayaa waxaa ay qabteen shir lagu taageeraayo shirkii beesha Mudulood oodhawaan lagu soo gagabeeyey magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka iyo Guddiga Asal Komuniti ayaa waxaa halkaas lagu soo jeediyey war saxaafadeedkii loogu talagalay shirkaas, waxaana ka hadlay haweynka iyo ragga Mudulood ee guddiga ururka Asal ku bahoobay.

Waxaan shirkaas war saxaafadeedka u aqriyey Hassan Muuse Cali (Qoslaaye) oo ka tirsan aasaasayaasha Asal Komunati, waxaa sidoo kale oo halkaasi ka hadlay Caasho Cumar Geesdiir, Nadiifo Axmed Saliid, Axmed Sharaf, Xusseen Cariif (Xusseen Dhagax), Cabdullahi Iidow Warsame, Maxamed Cabdullahi (Kuurshe) iyo Abukaato Xassan Muxudiin Yabarow.

Wasa halkaas lagu wareystay Caasho Cumar Geesdiir oo ay wareysatay wariyaha somaliweyn Gothenburg Nimco Sagal Xaaji.