Sheekh Shariif “Dowladdu daacad kama aha heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada..”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah Guddoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa Digniintaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook.

Madaxweynihii hore waxa uu Madaxda DFS ku eedeeyey inaysan daacad ka ahayn Heshiis laga gaaro Xasarada Siyaasadeed ee u dhexeysa iyaga iyo Do0lwad-gobaleedyada, isla markaana aysan DFS qorshaha ugu jirin qabashada Doorasho Heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Shariif waxa uu qoraalkiisa kaga digay Guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan Tallaabooyinka aan Dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu Madaxweyne Sheekh Shariif oo dhamaystiran:

Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.

Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.