Puntland oo si cad u sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin Shirka Wada-tashiga ee Dhuusamareeb 3.=Warsaxaafadeed=

DG Puntland ayaa waxay si cad u sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin Shirka Wada-tashiga ee Madaxweynaha DF iyo kuwa Dowlad-gobaleedka ee Dhuusamareeb 3m kaasi oo ilaa iyo haatan u xayiran Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay DG Puntland ayaa lagu soo bandhigay 7 Qoddob oo loo adeegsaday Oraah Adag, waxaa lagu xusay inay muhiim tahay inuu Isfaham Siyaasadeed dhex maro DF, Dowlad-gobaleedyada iyo dhamaan Saamileyda Siyaasadda, si ay xal uga gaaraan Xaalladaha cakiran ee dalka, oo ay ugu mudan tahay Qabsoomida Doorashooyinka 2020/2021.

War-saxaafadeed waxaa kaloo lagu xusay inay Barlamaanka Federalka si aan sharci lahayn u rideen Xukuumadii fulin lahayd Heshiiskii Dhuusamareeb 2 iyo Qabsoomida Shirka Dhuusmaareeb 3.

Waxay kaloo sheegeen inay magacaabista Sii-hayaha xilka RW tahay mid baalmarsan Dastuurka dalka, isla markaana uu Madaxweynuhu si ku-tala-gal ah meesha uga saaray Awoodaha Sharci ee Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo ka mid ahaanshahooda BF ee dalka.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay ku baaqeen in RW cusub la magacaabo oo qeyb ka noqda Fulinta Heshiisyada qabsoomida Doorashooyinka 2020/2021.

Dhinaca kale, War-saxafaadeedka ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu si farsamaysan u daahinayo magacaabista RW cusub, si aysan u hirgelin Isafagaradka Dhuusmareeb 2 iyo Qabsoomida Shirka DHM 3.