Muxuu kayiri Madaxweynaha Jubbaland weerarkii ka dhacay Elite Hotel..?.

Madaxweynaha DG Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” wuxuu  Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal uu kaga hadlay Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka Elite ee ku yaalla Xeebta Liido ee magaalladda Muqdisho.

Axmed Madoobe waxa uu ka tacsideeyey dadkii ku dhintay Weerarkaasi, isagoo Alle uga baryey inuu Naxariista Janno ka waraabiyo dadkii ku geeriyooday Weerarkaasi iyo inuu caafiyo dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Ugu yaraan 16 qof ku geeriyootay, 13-kalena wey ku dhaawacmeen weerarkii shalay galab ka dhacay Hotelka Elite, kaasi oo socday muddo 5 saac ah.