Marin loo waayay meyd, mid qaraxyo sidana uu maro Muqdishaa lamurugsan

Muqdisho oo ah magaalo marti u aheyd dhibaatooyin fara badan ayaa marba markii ka danbeysa marti u aheyd musiibooyin kala duwan,taasoo ay mararka qaar su’aalo badan kadhashaan markasta oo ay wax arga-gax leh kadhacaan.

Waxyaabaha ugu nasiibka darani oo hareeyay Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay ayaa ahaa qaraxii kadhacay Hotelka Elite ee dhaca waqooyiga Muqdisho oo khassaro naf iyo maalba lagu halakeeyay.

Hotelka ayaa ahaa mid ku xeendaaban jid-gooyooyin dhan kasta kajiray oo ay joogeen ciidamada amniga ee ka howl gala Muqdisho.

Waxaa inta uusan qaraxa kadhicin Muqdisho ay marti galisay bulshadana ay aad uga walaacsanaayeen meyd lagu sido garbaha lana soo dhigay baraha bulshada oo loo waayay marin lagu geeyo halkii lagu duugi lahaa marxuumkii ay sideen.

Waxyaabaha kuugu soo dhacaya ee kajira Muqdisho ayaa kuugu soo dhalinaya in aad kahadasho intii aad awoodi karto ee aragtì ahaan kuu muuqda ,si aad ula wadaagto bulshada waxa dhacaya in ay yihiin kuwa aan ruux damiir lahi kaga gaabsan karin.

Waxaa dhintay dad badan,qaar dhaawacyo ayaa soo gaaray,hanti badani way ku bur burtay taasoo aan loo heyn cid qaadda eedda taal Muqdisho.

Madaxdu waxey soo qoreen tacsiyo,kuwa way hadleen,laakiin marna isheedu maysan qaban mas’uul ku dhiirrada cidda leh mas’uuliyad darrada,amni darrida iyo ciddii soo fududeysay musiibada kuwii geystay.

Muqdisho sanooyin badan malahan maqaam u gaar ah ay ku matasho dadkeeda ,mana heysato cid ay si gaar ah amnigeeda dusha u ridata,taasoo iyadana ubaahan in wax leyska waydiiyo.

Waxaan markasta oo ay dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay dhacaan aan soo saari jirnay tacsiyeen,sabarsiin iyo in aan u duceyno cidkasta oo si dulman loo dilo,waxeyna kamid aheyd mid sanooyin badan soo taagnaa .

Waxaa wali maqan in laga qaadto tusaalooyin ,waxaa sidoo kale maqan ciddii tusaalooyinkaa qadan laheyd,waxaa kaliya ee wali furan ayaa ah in aan kawada tacsiyeeyno una duceyno intii wax soo gaarta wax yeela kasto oo dhacda.

Waxaan markasta isweydiiyaa sababaha ay Muqdisho marti ugu aheyd musiibada ugaarka ah ,qarxyada u gaarka ah ,dilalka ugaarka ah iyo wax kaqabasho la’aanta goob jooga loosoo wada ahaa.

Waxay Muqdisho marti galisay wax kasta oo Alle ka xarrimay aadanahiisa in ay kadhacaan sida dilka ruuxa muslimka ah ee sida xaqdarrada ah loo daadiyo kaas oo ah danbiga ugu weyn ee kadhalata carada (Alle Subxaanahu watacaalaa)

Waxaan qormadeydan murugada leh uga gol leeyahay ,maxay Muqdisho ku mudatay murugada u gaarka ah ee aan laheyn mas’uul dusha u ridta ?

(Marin loo waayay meyd,mid qaraxyo sidana uu maro Muqdishaa lamurugsan)
Hassan Abdulkhader Mudey