Madaxtooyada Villa Somalia oo dafirtay Awoodaha Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Markii uu Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi C/llahi shalay si kulul u cambaareeyey Kulankii Khaaska ee Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo keliya ayaa waxaa arrintaasi hadal ka soo saaray Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, C/nuur Maxamed Axmed.

Hadal-qoraal oo uu soo dhigay Baraha uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter-ka ayuu ku yiri:

“Haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada, waxay si buuxda u aqbali lahaayeen shuruucdii uu Aqalku meel mariyay, loomana baahdeen in Dowlad Goboleedyadu ay markale miiska soo fariistaan iyaga oo dood ka qaba shaqadii ay u soo wakiisheen Aqalka iyaga matala”.

Hadalkii Guddoomiye Cabdi Xaashi ee ay Villa Somalia dhibsatay ayaa waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne Farmaajo dib u akhriso Dastuurka KMG ee dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Kulankii shalay ee Senatorada Aqalka Sare ee BFS, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u akhriyo Dastuurka dalka, si uu u aqoonsado Awoodaha Labada Gole ee BFS.

“Madaxweynaha waa inuu akhriyo Dastuurka, si uu u ogaado qoddobadda soo socda: Saddexda Hay’adood ee dalka ee kala ah Sharci-dejinta (Labada Aqal ee BFS), Hay’adda Fulinta iyo Garsoorka” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi C/llaahi oo si kulul u naqdiyey Kulankii Khaaska ee uu Madaxweyne Farmaajo shalay la yeeshay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS.

Si kastaba ha ahaatee, Jawaabta Villa Somalia waxaa laga dheehan karaa inuu soo shaac baxayo Khilaafkaasi, iyadoo DG Puntland taageertay Hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

War-saxaafadeedkii xalay ka soo baxay DG Puntland waxay ku sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo si ku-tala-gal ah meesha uga saaray Awoodaha Sharci ee Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo ka mid ahaanshahooda BF ee dalka.