Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay weerarkii Elite Hotel, tirada dhimashada iyo Dhaawaca ee Weerarkaasi.

Ciiddanka Ammaanka waxay xalay soo af-jareen Weerarkii ay Alshabaab gelinkii dambe ee shalay ku qaadeen Hotelka Elite oo kaabiga ku haya Xeebta Liiddo.

Ugu yaraan 16 qof oo 5 ka mid ahaayeen Alshabaab ayaa la sheegay in lagu dilay Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 5 saacadood.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta ee XFS, Ismaaciil Mukhtaar Orange oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay in la wada dilay dhamaan 4-tii Dagalame ee gudaha u gashay Hotel Elite, lana soo badbaadiyey Tobaneeyo qof oo ku xayirmay gudaha Hotelkaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, Saalax Xsaan Cumar oo la hadlay Idaacadda VOA-da waxa uu sheegay in 16 qof lagu dilay weerarkaasi, halka 13 kalena lagu dhaawacay.

Waxa uu intaasi ku daray in 11 ka mid ah dadka lagu dilay Weerarkaasi ay isugu jireen dad Rayid iyo Shaqaale Dowladeed oo ay ka mid yihiin Agaasimihii Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta ee XFS, Marxum C/risaaq Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga.

Sidoo kale, dadkii ku dhaawacmay Weerarkaasi waxaa ka mid ah Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washinton, Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka hawlgala TV ga Qaranka iyo Fanaanad Faaisa beella.

Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen Weerarkii Hotel Elite.

Bishan Agost 10-dii, Maxaabiis ka tirsan Alshabaab waxay weerar ka geysteen gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib, markii ay qaar ka tirsan Ilaaladda ka maroorsadeen Hubkii.

Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay Tobaneeyo qof oo isugu jiray Ilaaladii Xabsiga iyo Maxaabiista Alshabaab ee ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar.