Al-Shabaab oo Ruux mayd ah ku xiray Miino ku dilay Gudoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud iyo Taliyihii Booliska ee Deegaankaasi

Guddoomiyihii Goof-gaduud Buureey iyo Taliyihii Booliska ee Deegaankaasi ayaa la sheegay in lagu dilay qarax ka dhacay Deegaankaasi.

Labada Marxuum oo lagu kala magacaabi jirey Isaaq Cali Isaaq iyo Xasan Bakaa ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qarax miino oo mayd lagu soo xiray, sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan DG K/galbeed.

Mas’uuliyiintaasi ayaa waxa la sheegay inay doonayeen inay soo kormeeraan Xero Ciiddan oo ay Ciiddanka DF iyo kuwa KGS kula dagaalameen Al-Shabaab.

Barqanimadii maanta ayaa waxaa iska horimaadkaasi ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud Buureey oo 30-KM u jirta magaalladda Baydhabo, mana kala cadda xogta dhabta ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinaca kale, Al-Shabaab waxay sheegeen inay weerar ku qaadeen, isla markaana ay qabsadeen Xero Milliteri oo ku taalla Deegaanka Goof-gaduud Buureey.