Al-Shabaab oo dad shacab ah qarax kula beegsaday Magaalada Baladxaawo.

Gedo:- Maleeshiyad Argagixisada Al-Shabaab, ayaa maanta waxey walxaha Qarxa ku qariyeen dusha sarre ee maqaayad ku taala Xaafadda Suuqa Timacade Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Qaraxa oo la la eegtay dad shacab ah oo maqaayadaas ka cunteynayay ayaa galaaftay nolosha 6 ruux oo 2 ka mid ah ay dumar ahaayeen iyo dhaawaca 15 kale,sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali.

6 ka mid ah dhaawacyada oo garaabo ah, ayaa loo qaaday Degmada Doolow si Muqdisho loogu Soo qaado looguna dabiibo.

tan ayaa muujinaysa sidi argagixisada Alshabaab aysan uga naxaynin dadka shacabka ah,ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhanka kale wada howlgalo ballaaran oo looga hortagayo dhagaraha ay shacabka u soo maleegayaan cadowga.