Wejiga Saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb oo lagu wado inuu dhowaan furmo.

Muqdisho:-Magaalada Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa shirka wadatashiga hannaanka doorashada ee u dhaxeeya DFS iyo maamul Goboleedyada, inkastoo anay weli caddayn waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo shirka Dhuusamareeb 3, hase ahaatee waxaa inta ka horeysa dhacaya shirar gaar gaar ah oo isugu jira kuwa Madaxda joogta magaalada iyo shirka Guddiga Farsamada ee ka baaraan-dagida tallooyinka la xiriira hannaanka doorashada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeelanayay.

Waxaa la sugayaa maalmaha soo socda Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo safarro ugu maqan Nairobi iyo Jabuuti, waxaase la filayaa inay ka soo hormaraan wafdi hordhac ah oo ay ku jiraan xubnaha ugu jira Guddiga farsamada, kuwaas oo anay horay uga qeyb gelin shirarkii Guddiga Farsamada uu ku yeeshay Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb 3 oo uu dhowaan soo gaaro Magaalada, inkastoo aanu ka qeyb gelin shirkii Dhuusamareeb 2.