Wasiir Goodax iyo wafdi uu hoggaanimayo oo saakay u ambabaxaya Gobolka Gedo

Muqdisho:-Wafdi uu hoggaaminayo sii xilka hayaha Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inuu gaaro Gobolka Gedo, gaar ahaan Magaalooyinka Garbahaarreey,Luuq iyo Baladxaawo.

Mudane, Goodax ayaa marka uu gaaro Caasimadda Gobolka Gedo ee Garbahaareey waxaa uu dhagax dhigi doonaa goobo waxbarasho oo qeyb ka ah mashruuca horumarinta Dugsiyada waxbarashada Dalka isagoo usii gudbo doona Magaalada Luuq.

Sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa waxay safarkooda kusoo gaba-gabeyn doonaan Magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada Gobolka Gedo.